Saturday, September 17, 2016

XABSI MISE XAFLAD ?


Magaalada Muqdisho waxa ay marti gelisaa xaflado caalami ah iyo kuwa gudaha ah waxaana inta badan ka soo qeyb gala masuliyiinta dowladda Soomaaliya ka tirsan waxaana xafladahaasi lagu marti qaadaa dadka ku nool caasimadda gaar ahaan dadka  ka shaqeeya arimaha bulshada, siyaasadda iyo arrimaha dhalinyarada.

Xafladahaasi waxa ay saamayn mug leh ku yeeshaan isku socodka daweynaha sida ganacsiga, waxbarashada, goobaha caafimaadka sida isbitaalada iyo goobaha hooyada iyo dhallaanka ee laga qaybiyo dawooyinka lacag la’aanta ah oo ay ka faaiidaystaan dadka taagta daran ee aan awoodin ay iibsadaan dawooyinka.

Sidoo kale waxa ay saamayn ku yeeshaan dadka xanuunsanaya oo usocda isbitaalada magaalda si ay caafimaad u helaan, balse wadadii ay u mari lahaayeen xarumahaas haddii ay u xirantahay xaflad darteed waxa ay sababi kartaa in qofku uu u dhinto ama uu u dhibtoodo sidii uu u heli lahaa caafimaad, balse taas kama fekeraan madaxda dalka oo waxaa u cad keliya in ay qabsoonto xafladaas.

Dhanka kale, Inta lagu guda jiro xafladdaha  waxaa sidoo kale dadka ka qeyb galaya xafladahaasi ay dhibaato ku qabaan hab dhaqanka ilaalada madaxda ka qeyb galaysa xafladahaa sidoo kale waxaa dhibaato ku qaba wariyayaasha shaqada u aada goobahaas oo mararka qaar ay dhacdo in la jirdilo ama laga hor istaago shaqadiisa.

Sidoo kale dadka ka qeyb gala xafladaaasi dhibaatada ugu weyn oo ay kala kulmaan waxaa ka mid ah baaritaan aan xad lahayn iyo in xoriyadda laga qaado sidii qof xabsi loo wado oo kale waxaana dhacda in mararka qaar laga qaado moobeelada iyo qalabka kale ee electronics –ka oo aan lala geli Karin hoolka ay xafladdu ka dhacayso waxaana howshaas ay shaqo u tahay koox badan oo ka shaqeysa protakoolka madaxda dallka.

Dhibaatada kale ee xafladahaasi ay sababaan waxaa kamida in xafladdii oo socota ay yimaadaan koox ciidan ah kuwaa oo ku war geliya dadku in ay bannaanka uga baxaan si baaritaan dheer loogu sameeyo taa oo inta badan waqti aan loogu tala gelin ka qaadata dadka ka qeyb galaya xafladda.

Haddaba dhibaatadaasi ma muqdisho oo kaliyaa mise waa ay la qabaan magaalooyinka kale ee Soomaaliya?

Gabagabdii waxaan soo jeedin lahaa in xafladaha ay noqdaan xaflado loo soo xiiso balse aysan noqon kuwa xabsi lagu geliyo bulsahada qeybaheeda kala duwan.


W/Q: Abdikani Ali adan (Abdikani Seed)