Sunday, August 16, 2015

MOOSHINKII MADAXTOOYADUU YIMID: MAKA HARI MISE WUU LA HARI?

Waxaa inta badan caadi iska noqdey in mooshinku uu ka mid noqdey waxa ugu badan ee ay qabteen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo mooshinadii la keeney baarlamaanka badankood ay meel mareen laga soo bilaabo barlamaanadii ku meel gaarka ahaa iyo kan hadda Federalka.
Mooshinada ugu badan ee baarlamaanka la keeno waxaa loo qaadaa cod, ama waa uu guulaystaa mooshinka amaa waa uu guul dareystaa, taa oo ay jirto hadana waxaa bulshada inteeda badan aan shaki uga jirin in la  bixiyo lacago lagu kala gadanayo xubnaha baarlamaanka oo ah in qofka laga keeney mooshinka uu bixiyo lacago badan si uu usii joogo booskiisa.
haddaan dib u raaco mooshinadii la keeney baarlamaanka federaalka intii uu jirey waxaa ka mid ahaa sida soo socota:-

21-kii November 2013, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshinkii ugu horeeyay ee ay keenaan waxa ay ku rideen xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Saacid waxaa xilka Ra’iisul wasaare loo magacaabay 4-tii November 2012, isaga oo nasiib u yeeshay in uu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dowlad aan KMG ahayn.
Markii la ridayay Saacid waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hase ahaatee waxaa go’aanka loo daayay baarlamaanka, iyadoo xildhibaanno badan ay aad uga soo horjeedeen xukuumadii waqtigaasi jirtay.
Xildhibaanada u codeeyay in meesha uu ka baxo Saacid ayaa tiradoodu waxa ay ahayd 167 mudane.
Hadaba markii ay meesha ka baxday xukuumadii Saacid, waxaa madaxweynaha uu bilaabay soo xulista shaqsiga uu u arko in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub.
12-kii December 2013, waxaa hadane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo  markii hore dadka falanqeeya siyaasadda ku tirinayeen inuu yahay shaqsi aad ugu wanaagsan howshaan loo dhiibay.
Hase ahaatee markii Cabdiweli uu shaqeeyay ku dhawaad Sanad waxaa durba soo if baxay khilaaf cusub oo keenay in Ra’iisul wasaaraha aanu Sanad toos ah si degan shaqadiisa ku dhameysan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwanaaday sii shaqeynta Ra’iisul wasaaraha, waxaana jiray khilaaf kala dhaxeeyay madaxweynaha, iyadoo maalmo badan aanu baarlamaanka shaqeysan, keentayna buuq iyo carqaladeyn lagu sameeyay kulamadii baarlamaanka.
Ugu dambeyn wada hadallo ka dib xildhibaanada waxa ay go’aan buuxda ku qaateen in lagu kala baxo codeynta, islamarkaana loo codeeyo mooshin laga geeyay Cabdiweli Sheekh Axmed.
December 6 -keedii 2014, xildhibaanada waxa ay u codeeyeen mooshinka laga keenay Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana loo codeeyay in meesha uu ka baxo, iyadoo ay codeeyeen xildhibaanno gaaraya 153 mudane.
Mooshinkaasi ayaa noqday midkii Labaad misane Laba Sano gudahooda lagu rido Laba Ra’iisul Wasaare.
Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa la’is tusay in aanu imaan doonin khilaaf dambe oo dowladda ah, iyadoo December 17-keedii 2014 uu madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa Seddaxaad, kaasi oo noqday midka haatan talada haya ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sidoo kale baarlamaanka federaalka waxa uu mooshin ka keeeney Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Madoobe, kaas oo ay sheegeen baarlamaankaasi ay san ahayn sharci ah. markii loo qaadey codka kalsoonida baarlamaanka jubbaland ayaa 132 kamid ah waxa ay taageereen mooshinka halka 4 mudane ay diideen, 6 mudanana ay ka aamuseen.

Baarlamaanka Jubaland oo ka kooban 75 xubnood ayaa la dhisay 15 April. Xaflad rasmi ah oo baarlamaanka dhismihiisa lagu callemo-saarayo ayaa la qabtay 7-dii bishii May. Waxaa xafladaas ka soo qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, wasiirada arimaha dibada ee Keya, Itoobiya iyo madax kale oo ka socota ururo caalami ah.

Maamaulka Jubaland ayaa horey ugu hanjabay in uuna wax iskaashi ah la yeelan doonin xukuumada Xamar hadii oo mooshinku meelmaro  kadib go aankii baarlamaanka federaalka waxaa kulan deg deg ah yeeshey baarlamaanka jubaland kadib Cod loo qaaday xiriirka iyo la sii shaqaynta dowladda federaalka ayaa xildhibaano gaaray 55 xildhibaan ku ogolaadeen in xiriirka loo jaro Dowladda federaalka ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka Jubba go’aankaas gaareen ilaa ay dowladda federaalka iyo baarlamaanka isbedel ku dhaqaaqaan.
12 kii august  2015 waxaa mudanayaal kor u dhaafaya 90 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Mahmoud u gudbiyay guduunka golaha shacabka ah ee Soomaliya.
Sidoo kale madaxweynaha oo ka Hadley mooshinka laga gudbiyey ayaa sheegey in dadka mooshinka wada ay yihiin dad ku fashilmey doorka siyaasadda dalka isla markaana anan dib loo laaban doonin oo horey looga socon doono, waxa Madaxweynuhu ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac keeno

hadda waxaa loo gudbiyey mooshinkii laga keeney madaxweynaha soomaaliya maxkamada sare ee dalka sida ay sheegeen  xildhibaanadii mooshinka keeney.
Hadda Mooshinkan, ayaa dhaliyay xiisad siyaasadeed oo si weyn looga dareemay dalka , waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha ka mid ah ku xadgudub ka dhan ah Dastuurka, xoriyada Muwaadinka iyo musuq maasuq hantida Qaranka ah.
Hadii mooshanka la aqablo waxuu khatar galin doonaa madaxwaynaha Soomaliyaa Xasan sheekh Maxamuud oo  ay hadda u harsantahay wax ka yar hal sano.
haddaba mooshinkaan madaxtooyada maka hari mise wuu la hari?.................................

By: Abdikani Ali Adan


Sunday, August 2, 2015

HIIGSIGA AAN LAGAAREYN IYO HIRASHADA 2036-DA

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gabogaboobey shirka Hiigsiga Cusub kaasi oo laga soo saaray qodobo badan, la’iskuna afgartay.
Kadib 2 maalmood oo la shirsanaa, 120 ergo oo isugu jira kuwa adduunka ka socda iyo golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa lasoo saaray illaa 40 qodob oo dhamaantood ka hadlayay sidii dalka Soomaaliya horumar loo gaarsiin lahaa.
Shirka waxaa looga hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay mashruuca Hiigsiga Cusub oo lasoo bilaabay sedex sano ka hor kadib shirkii Brussels ee lagu yaboohay $2.4 Bilyan doolar si loo fuliyo mashaariicda ku xusan qorshaha Hiigsiga ee lixda ah.
War saxaafadeedka laga soo saaray shirka waxaa lagu sheegey in qorshayaasha ay wax badan ka qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo badan oo dhiman.
Laakiin xaqiiqda waxa ay tahay in aysan jirin wax la taaban karo oo ka qabsoomay mashruucani marka laga tago lix mashruuc oo ay ku baxday $240 malyuun oo kaliya oo ka mid ah lacagtii Soomaaliya loogu yaboohay.
Hiigsiga cusub waa barnaamij caalami ah oo ku qotoma 5 tiir oo kala ah siyaasadda, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caddaaladda, canshuur uruurinta iyo adeegyada dadweynaha.
Qodobka ugu xiisaha badan waa kan siyaasadda oo dhigayay in marka la gaaro sanadka 2016-ka ay dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, intaasi ka horna la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhiso guddiga doorashooyinka oo isagu markaasi qabta hawsha ka horeysa in la qabto inta aysan doorasho dhicin sida diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo dabcan in la sameeyo tirakoob.
Ma jiro qodob kuwaasi ka mid ah oo qabsoomey, marka laga reebo guddiga doorashooyinka oo isagu laftiisa bishii hore uun la dhamaystirey, xafiisna aanan wali lahayn, iskaba dhaaf in uu hawl galee.
Cid kasta oo garasho iyo qiyaas leh waa ay fahmi kartay in doorasho qof iyo codkiisa ah aysan dalka ka dhici karin 2016, laakiin madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha waxa uu muddo sedex sano ah shacabka u sheegayaan in ay dhici doonto doorasho.
Daqiiqaddii ugu dambeysey oo ay maalin uun ka dhimanayd shirka Hiigsiga Muqdisho oo dhacay intii u dhaxaysay 29-ka illaa 30-ka July ayay xukuumadda iyo guddi baarlamaanka ka tirsan ay shaaciyeen in aysan suurogal ahayn in doorasho ay dhacdo.
Ma ahayn go’aan cod la galiyey baarlamaanka, waxaa go’aan kasoo gaaray guddi 25 xubnood ka kooban iyo xukuumadda oo markii horaba iyaga hoosta ka wada socdey, xildhibaanada baarlamaanka qaarkoodna waxa ay sheegeen in go’aankaasi uusan ahayn mid dastuuri ah, kana turjumaya rabitaanka baarlamaanka.
Talaabada la qaaday waxay ay ahayd mid lagu hor dagayay shirka Hiigsiga oo lagu waday in lagu go’aamiyo sida ay u ekaan doonto 2016-ka, waxaase muuqatay in ay hoos iska ogaayeen dowladda iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya maadaamaa Nicholas Kay uu shirka ka sheegey in UN-ka ay ogaadeen in aysan dhici karin doorasho qof iyo codkiis ah sanadka 2016-ka.
Wuxuuse sheegey in Qaramada Midoobey aysan aqbali karin muddo kororsi, sidaasi oo ay tahay hadalkaasi ma jiro miisaan badan oo uu leeyahay maadaamaa aysan jirin wax damaanad ah cid bixin karta in madaxda dowladda aysan muddada kororsan doonin.
Xisbiyada iyo dadka siyaasadda u dhuun duleela intuba waxa ay walwal badan ka qabaan qorshe hoose oo madaxweynaha iyo baarlamaanka ay mudada ku kororsanayaan. Waxaa isla arrintani qirtey todobaadkani Nicholas Kay laftiisa oo laga soo xigtey isaga oo leh
“Waxaan ogahay qaar ka mid ah madaxda dalka oo qaba in muddada loo kordhiyo”.

Shirkii Hiigsiga waxaa ka maqnaa oo aanan soo xaadirin maamulada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu uu xunyahay xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka, sheegeyna in aysan shirkaasi ka qeybgalaynin illaa inta dowladda federaalka ay cagta saarayso sida uu sharciga qabo, kana soo dhalaaleyso waxyaabihii lagu heshiiyey.
Ma ahan oo kaliya in dowladda ay ku dhawaaqday in aysan dhacaynin doorasho guud sanadka 2016, ee sidoo kale dowladda waxa ay albaab furan ka dhigtey habka looga gudbayo marxaladda hadda lagu jiro iyo nooca ay tahay doorashada, tanina waxaa la sheegayaa in dowladda sida ay doonto u dhigi karto qorshaha.
Shirka hiigsiga laftiisa laguma caddeynin nooca ay noqoneyso doorashada dhacaysa, waxaana lagu sheegey kaliya in wada tashi laga galayo arrinta doorasho dhacda.
Laakiin qodobka ugu yaabka badnaa ee kasoo baxay shirka Hiigsiga ayaa waxa uu ahaa in uu jiro qorshe isna la tiigsanayo oo loogu magac daray 2035-ta, waxayna dad badan is weeydiinayaan haddii la gaari waayay hiigsiga 2016-ka, goorma ayaa la gaarayaa 2035-ta?.
Hase yeeshee qaar kale ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay ku fiicantahay in hiigsi loo cayimo, sidaas kaliyana ay wax ku qabsamayaan, ugu yaraan wax uun ka mid ah waxyaabihii loo calaamadiyey, haddii kale aysan waxbo qabsan karin Soomaalida.

Xigasho: Goobjoog News

Saturday, August 1, 2015

DOORASHO WEYNEE WAQTI NOOGU DARA.

Soomaaliya waxaa ay kamid tahay wadamada dhaca qaaradda Afrika gaar ahaan geeska afrika waxaa deris la ah wadamada Kenya, Ethiopia, Djibouti kuwaa oo intooda badan ay ciidamo ka jooogaan Dalka Soomaaliya, sidoo kale dalalka ay Ciidamada Ka jiigaan Soomaliya waxaa ka mida Ugandha iyo Brundi ku waa oo ku jooga Madate ay midowga afrika u go’aamiyeen.

Dhammaan dalalka aan kor ku soo xusey qaarkood waxa ka dhacay xasarado ku lug leh Doorashooyinka, wadankii ugu dambeeyey ee ay ka dhacdo xasarad la xiriirta doorashooyinka welina ay taagantahay ayaa ah wadanka Brundi kaa oo ay ciidamo a joogaan Soomaaliya. Xasaradahaas Ka dhacay dalka Burundi sanadkan ayaa salka ku haya arimo la xiriira Doorashooyinka, ka dib markii madaxweynaha dalkaasi uu ku dhawaaqey in uu u tartamayo mar saddexaad xilka madaxnimo ee  dalkaasi, taas oo sababtey in uu ka dhoco dalkaasi afgembi fashilmey oo ay soo qaban qaabiyeen saraakissha Ugu sareysa dalkaasi, iyadoo ay weli taagantahay dhibaatada ka dhalatey doorashooyinka dalkaasi oo ay dad badani ku naf waayeen.

Sidoo kale wadanka Kenya waxaa ka dhacay dagaal uu dhiig badan ku daatey dhammaadkii sanadkii 2007 iyo horraantii 2008-dii ka dib khilaaf ka dhashey qaabka doorasho ee dalkaasi, khilaafkaa ayaa waxa uu u dhexeeyey madaweyne Moi kibaki iyo horjoogaha mucaaradka dalkaasi Kenya Raila Odinga kaa oo uu Kenya ka soo horjeesteen Dooradho ay sheegeen in ay ahayd mid musuqaasuq ku salay, dagaalkan ayaa waxa uu galaaftey nolasha dad kor u dhaafayaa 1,300 oo qof, kadib markii dagal uu dhexmarey qabaaillo kala taageersan Labada Hogaamiye ee mucaaradka iyo muxaafidka dalkaasi Kenya.

Dhowaan labada Gole ee xukuumadda iyo Barlamaanka waxa ay sheegeen in doorasho qof iyo Cod ah aysan Ka dhici jarin Soomaaliya, Sababtoo ay ku sheegin in aan loo hayn waqti ku filan, balse waxa ay sheegeen in doorasho ay dhici doonto, balse aan la ogayn qaabka ay noqon karto maadaama lagu balansanaa in 2016 ay dhaci doonto doorasho qof iyo Cod ah. hadlakaan waxaa ka soo horjeestey xisbiyada dalka, ururada Bulshada rayidka iyo qaar kamid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka kuwa oo sheegey in dowladdo ay ka hor dhcdey ayna ahayd in ay ka war sugto guddiga magacaaban ee Doorashooyinka qaranka.
Sidaa si la mida Maamulka Somaliland waxaa ka taagan khilaaf la xiriira doorashooyinka, taa oo sababtey in la xir xiro dad ka tirsan Mucaaaradka Somaliland, kadib markii waqtigii lagu ballansanaa in ay doorasho dhacdo la shaaciyey in aan doorasho dhici Karin, taasna ay sababtey in muddoo loogu daro Xukuumadda Somaliland, arintan ayaa dhalisey Khilaaf xoogan welina waxa taagan khilaafkii ay reebetey arintaas.

Sidoo kale, waxaa muqdishu lagu qabtey Shirka HIGH LEVEL PARTNERSHIP FORUM, oo ay ka soo qeybgaleen dowlado badan oo soomaaliya Saaxiib dhow la ah, balse waxaa ka maqnaa shirkaas dowlad goboleedyada Punland, Somaliland iyo Jubbaland. waxaa shirka ka soo baxay qodobo badan oo ay ka mid yihiin in ay doorasho qof iyo codkiisa aysan ka dhici Karin Soomaaliya.

Sidoo kale dowlad goboleedka Punland waxa ay soo saartey Warmurtiyeed ay ku sheegeyso sababaha kalifey in ay ka maqnaato shirka iyadoo sheegtey in Dowladda federalka ay jebisey Dastuurka Dalak isla markaana dowladdu dhistey maamul goboleed aan waafaqsaneen Dastuurka. Dad badan oo siyaasadda Falanqeeya ayaa sheegey in ay horey u ogaayeen in Aysan doorasho qof iyo codkiisa ay san dhici Karin sababta oo ay yiraahdeen madaxda dalka oo aan u diyaarsaneen in doorasho qof iyo codkiis ah ay dhacdo. Sidoo kale maammulka Somaliland ayaa sheegey in ay riwaayad ahayd in doorasho qof iyo Codkiis ah ay ka dhacdo Soomaaliya. Hadda waxaa Muuqata ifafaale ah in muddada loo kordhiyo Dowlada Hadda Jirta.

Muddo 25 sano kadib markii ay meesha ka baxdey dowladii militeriga ee dalka mudada xukumi jirtey, waxaa hadda Soomaaliya Ka jira Dowlad laga aqoonsanyahay Caalamka. Taa oo samaysey houmaro fara badan oo la xiriira ammaanka dhaqaalaha, federalka iyo siyaasdda, in kastoo ay jiraan dhaliilo la xiriira waxqabdka Dowladda.

Haddaba Malaga yaabaa in Dowlada hadda talada haysa  ay xukunka dheereysato iyadoo ay muuqato in dalal badan oo geeska ah ay madaxdooda xukunka hayaan waqti dheer, tusaala ahaan Ethiopia waxa ka dhacdey doorasho taa ooh al kursi oo ka mid ah ayasan ku guulaysan mucaaradka, ka hor raysal wasaaraha iminka talada haya Desalin, waxaa horey xukunka ugu takri fali jirey raysalwasaariii geeriyoodey ee Milaz Zanawi, waxa uu xilka la wareegey 28 may 1991, waxa uu na xilka hayey muddo 22 sano ah,  dadka Ethiopia waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 88 million oo qof waxaana la sheegaa 66% in ay san aqoon hogaamiye kale oo aan ahayn melez Zanawi.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika Ugu xukunka dheer waxaa kamida Madaxweynaha Dalka Ugadha kaa oo xiriir dow la leh Dowladda Soomaaliya Islamarkaana ay soomaliya ka joogaan Ciidamo Ku howl gala Magca Amisom. Yoweri Museveni waxa uu xilka dalkaasi la wareegey 29 January 1986 welina waa madaxweynaha dalka Uganda, waxa uu ka ariminayaa dalkaasi mudoo dhan  29 sano.Dadka ku nool Uganda ayaa tiradoodu waxa ay gaaraysaa  33.39  million. Welina wax rabshado ah kama aysan dhicn, balse dadka kama hadli karaan Xukunka kali talisnimada ah ee Madaxweynahaasi.

Dalka kale ee Afrika ee madaxdoodu ay xukunka hayaan in mudoo ah waxaa ka mida Hun Sen, Sen Waa madaxweynaha dalka Cambodia waxa uu xilka dalkaasi qabtey January 14, 1985.  Welina waa madaxweynaha dalkasi, a waxa uu xukunka hayaa muddo dhan 30 sano, dadka ku nool dalkaasi ayaa tira ahaan gaaraya 14.45 million oo qof.

Dhanka kale Omar al-Bashir waa Madaxweynaha Dalka suudaan waxa uu xilka la wareegey 30 June, 1989, waxa uu talada dalkaasi haayey muddo dhan  25 sano, welina waa madaxweynaha dalkaasi, dadka suudaan tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 43.9 million oo qof waana wadanka ugu baaxadda wayn bariga Afrika marka laga hadlayo dhul ahaan.Wadama sidoo kale ay Madaxdoodu xukunka iska hayaan Muddo waxaa kamida dalalka, Zimbabwe, Cameron, Djibouti, Congo iyo Burkina Faso.

Haddaba maxay uga maxaa farqi ah oo u dhexeeya wadamada Ann kor ku soo xusey iyo Somaaliya?- Soomaaliya waxa ay uga bedelantahay wadamadaas waxyaabo kal duwan sida dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda IWM. Dhaqaalaha ahaan soomaaliya waxaa muuqata in ay uga duwantahay wadamadaas in kastoo wadanka uu sooo galo dhaqaale hadana waxaa badan midka dibadda uga yimaada oo ay ku deeqdo Beesha caalamka,halka wadamadas uu dhaqaalahoodu yahay mid wanaagsan, Ammaan ahaan Soomaaliaya waxa ay uga bedelantahay wadamada kale-soomaaliya wad al hadda ka soo kabsanaya Burbur in mudda ah soo jiitamayey waxaana Jira xoogag Hubaysan oo dowlada dagaal kula jira, waxaana ay dowladdu wad, siyaasad ahaan soomaaliya waxaa ay uga duwantahay wadamadaas in ay jiraan dowlad govoleedyo siyaasadda kula loolamaya madaxda Dalka kuwaa oo doonaya in ay xilka qabtaan sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin horey xilka usoo qabtey oo doonayo in ay markale qabtaan talada dalka, sababaahs muuqda iyo kuwa kale ayay uga duwantahay Soomaalya wadama Madaxdoodu ay xukunka dheereysteen.

Guntii iyo gabagabadii, waxaa muuqda in loolan xoogan loo geli doona hoggaanka dalka, iyadoo xisbiyo badan ay doonyaan in ay u tartamaan talada dalka, in kastoo xukuumadd ay sheegtey si ka duwan sidii laga filayey oo ahayd in doorasho qof iyo codkiisa ay ka dhacdo Soomaalia 2016-ka balse mid ka duwan ay dhici doonto sidauu ka dhawaajiyey madaxweynaha Dalka Xasan sheikh Maxamuud.

By: Abdikani Ali adan