Waxaa inta badan caadi iska noqdey in mooshinku uu ka
mid noqdey waxa ugu badan ee ay qabteen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo
mooshinadii la keeney baarlamaanka badankood ay meel mareen laga soo bilaabo
barlamaanadii ku meel gaarka ahaa iyo kan hadda Federalka.
Mooshinada ugu badan ee baarlamaanka la keeno waxaa
loo qaadaa cod, ama waa uu guulaystaa mooshinka amaa waa uu guul dareystaa, taa
oo ay jirto hadana waxaa bulshada inteeda badan aan shaki uga jirin in la bixiyo lacago lagu kala gadanayo xubnaha
baarlamaanka oo ah in qofka laga keeney mooshinka uu bixiyo lacago badan si uu
usii joogo booskiisa.
haddaan dib u raaco mooshinadii la keeney baarlamaanka
federaalka intii uu jirey waxaa ka mid ahaa sida soo socota:-
21-kii November 2013, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
mooshinkii ugu horeeyay ee ay keenaan waxa ay ku rideen xukuumaddii uu
hogaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Saacid waxaa xilka Ra’iisul wasaare loo magacaabay
4-tii November 2012, isaga oo nasiib u yeeshay in uu noqdo Ra’iisul wasaarihii
ugu horeeyay ee dowlad aan KMG ahayn.
Markii la ridayay Saacid waxaa jiray khilaaf ka
dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hase ahaatee
waxaa go’aanka loo daayay baarlamaanka, iyadoo xildhibaanno badan ay aad uga
soo horjeedeen xukuumadii waqtigaasi jirtay.
Xildhibaanada u codeeyay in meesha uu ka baxo Saacid
ayaa tiradoodu waxa ay ahayd 167 mudane.
Hadaba markii ay meesha ka baxday xukuumadii Saacid,
waxaa madaxweynaha uu bilaabay soo xulista shaqsiga uu u arko in uu noqdo
Ra’iisul wasaaraha cusub.
12-kii December 2013, waxaa hadane madaxweyne Xasan
Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed
oo markii hore dadka falanqeeya siyaasadda ku tirinayeen inuu yahay
shaqsi aad ugu wanaagsan howshaan loo dhiibay.
Hase ahaatee markii Cabdiweli uu shaqeeyay ku dhawaad
Sanad waxaa durba soo if baxay khilaaf cusub oo keenay in Ra’iisul wasaaraha
aanu Sanad toos ah si degan shaqadiisa ku dhameysan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala aragti
duwanaaday sii shaqeynta Ra’iisul wasaaraha, waxaana jiray khilaaf kala
dhaxeeyay madaxweynaha, iyadoo maalmo badan aanu baarlamaanka shaqeysan,
keentayna buuq iyo carqaladeyn lagu sameeyay kulamadii baarlamaanka.
Ugu dambeyn wada hadallo ka dib xildhibaanada waxa ay
go’aan buuxda ku qaateen in lagu kala baxo codeynta, islamarkaana loo codeeyo
mooshin laga geeyay Cabdiweli Sheekh Axmed.
December 6 -keedii 2014, xildhibaanada waxa ay u
codeeyeen mooshinka laga keenay Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana loo codeeyay in
meesha uu ka baxo, iyadoo ay codeeyeen xildhibaanno gaaraya 153 mudane.
Mooshinkaasi ayaa noqday midkii Labaad misane Laba
Sano gudahooda lagu rido Laba Ra’iisul Wasaare.
Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa la’is tusay in aanu
imaan doonin khilaaf dambe oo dowladda ah, iyadoo December 17-keedii 2014 uu
madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa Seddaxaad,
kaasi oo noqday midka haatan talada haya ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sidoo kale baarlamaanka federaalka waxa uu mooshin ka
keeeney Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Madoobe,
kaas oo ay sheegeen baarlamaankaasi ay san ahayn sharci ah. markii loo qaadey
codka kalsoonida baarlamaanka jubbaland ayaa 132 kamid ah waxa ay taageereen
mooshinka halka 4 mudane ay diideen, 6 mudanana ay ka aamuseen.
Baarlamaanka Jubaland oo ka kooban 75 xubnood ayaa la
dhisay 15 April. Xaflad rasmi ah oo baarlamaanka dhismihiisa
lagu callemo-saarayo ayaa la qabtay 7-dii bishii May. Waxaa xafladaas
ka soo qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, wasiirada arimaha dibada ee
Keya, Itoobiya iyo madax kale oo ka socota ururo caalami ah.
Maamaulka Jubaland ayaa horey ugu hanjabay in uuna wax
iskaashi ah la yeelan doonin xukuumada Xamar hadii oo mooshinku meelmaro kadib go aankii baarlamaanka federaalka waxaa
kulan deg deg ah yeeshey baarlamaanka jubaland kadib Cod loo qaaday xiriirka
iyo la sii shaqaynta dowladda federaalka ayaa xildhibaano gaaray 55 xildhibaan
ku ogolaadeen in xiriirka loo jaro Dowladda federaalka ma jirin cid diiday iyo
cid ka aamustay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in
baarlamaanka Jubba go’aankaas gaareen ilaa ay dowladda federaalka iyo baarlamaanka
isbedel ku dhaqaaqaan.
12 kii august
2015 waxaa mudanayaal kor u dhaafaya 90 xildhibaan oo ka tirsan
Barlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan
Sheekh Mahmoud u gudbiyay guduunka golaha shacabka ah ee Soomaliya.
Sidoo kale madaxweynaha oo ka Hadley mooshinka laga
gudbiyey ayaa sheegey in dadka mooshinka wada ay yihiin dad ku fashilmey doorka
siyaasadda dalka isla markaana anan dib loo laaban doonin oo horey looga socon
doono, waxa Madaxweynuhu ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac keeno
hadda waxaa loo gudbiyey mooshinkii laga keeney
madaxweynaha soomaaliya maxkamada sare ee dalka sida ay sheegeen xildhibaanadii mooshinka keeney.
Hadda Mooshinkan, ayaa dhaliyay xiisad siyaasadeed oo
si weyn looga dareemay dalka , waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay
Madaxweynaha ka mid ah ku xadgudub ka dhan ah Dastuurka, xoriyada Muwaadinka
iyo musuq maasuq hantida Qaranka ah.
Hadii mooshanka la aqablo waxuu khatar galin doonaa
madaxwaynaha Soomaliyaa Xasan sheekh Maxamuud oo ay hadda u harsantahay
wax ka yar hal sano.
haddaba mooshinkaan madaxtooyada maka hari mise wuu la
hari?.................................
By: Abdikani Ali Adan
you can comment
ReplyDelete