Thursday, October 8, 2015
Thursday, September 10, 2015
QORMO: URURADA FARAHA BADAN FAA’IIDO LAGA WAA!!!!
Soomaalidu waxa
ay ku maahmaahdaa “DHERIGII FARA BATA WUU FUUD XARAAREEYAA” taa oo uu
micnaheedu yahay qof walba haduu dheriga markiisa kala boxo waxa soo hara waxa
ay noqonayaa wax aan wanaagsaneen oo nuxurka ka dhinta, hadii aan si kale u
dhigo ururada faraha badan ee dhalinyarada soomaaliyeed oo uu mid walba dhinac u samaysanyahay waxa
ay noqdeen kuwo aan dhaqaaq lahayn isla markaana aysan muuqan waxqabad la
taaban karo oo ay u qabteen dhalinyarda Soomaaliyed.
Sidaa darted waxa ay noqdeen kuwo aan isku hadaf ahayn oo mid
walbana dhinac u jeedo iyadoo aysan caddeyn ururada qaar hadafka ay u
samaysanyihiin, taa oo sabatey in urur
kasta uu noqdo Magac u yaal, haddaba qormadani waxaa uga hadli doonaa ururada
dhalniyarada ee tirada badan ee is magacaabey sida ay saamayn ugu leeyihiin
Horumarka dhalinta Soomaaliyeed.
DHALINYARO
Dhalinyaradu waa
dadka da’ ahaan u dhexeeya 15-40 sano Kuwaa oo ah awooda dal kasta uu ku faano
haddii ay ahaan lahayd cudud ahaan iyo caqli ahaan intaba. Dhalinyaradu waxa ay
u adeegaan dalkooda, iyago qabta howsha ugu muhiimsan ee dowladi leedahay,
haddii ay dhalinyaro jirin dalkasi waxa uu halis ugu jiraa inuu burburo
dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan intaba. Haddaba iyadoo ay dhalinyaradu yihiin
awoodda dalkasta hadddana soomaaliya markaan u soo leexdo dadka ku nool waxaa
la shegey in wax kabadan 70% ay yihiin dhalinyaro kadib tira koob ay samaysey
wasaaradda qorshaynata qaranka haddana aysan ka muuqan awoodda ay leeyihiin
taasna waxaa sabab u aha hoggaan xumada iyo isku xirnaan la’aanta dhalinyarada
soomaaliyeed.
URURADA DHALINYRADA
Waaxaa jira
ururo dhalinyaro oo fara abdan oo is magacaabey kuwaa oo ujeedka loo aasaasey
aysan caddeyn islamarkaana aysan muuqan wax qabad la taaban karo, sida saxda
ahna ma jrto cid la xisaabtanta sababtoo ah malahan hoggaan midaynsan oo loogu
hagaagi karo ururadaas faraha badan ee dhalinyarada.
Marka aan
taariikhda dib u raacno Soomaaliya waxa ay lahayd urur dhalinyaroo oo la dhihi
jirey SYL kaa oo ay aas aaseen dhalinyaro gaareysa 13 dhalinyaro ah, waxa ayna
u horseedeen Soomaaliya in ay gaarsiiyan Xoriyadda manta aan ku naaloonayno, wixii
ka dambeeyey SYL lama helin dhalinyaro u dhiganta Urukaasi SYL iyadoo ay hadda
dhalinyadu haystaan fursad aysan markaa haysan uryrkii SYL taa oo ay ku
hormarin karaa dalkaooda iyo dadkooda balse kama go’na in ay horumariyaan
sababtoo ah majiro hogaan sax ah oo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada
Soomaaliyeed.
Doorka iyo
Horumarka dhalinyarada soomaaliyed waxaa hortaagan ururo magac u yaal ah ku waa
oo aan lahayn agenda ay ku maamulaan dhalinta soomaaliyeed oo u heelan hogaan
wanagsan isla markaana ay san jirin wax la xisabtama sababtoo ah waxaa lala xisaabami karaa urur leh hab maamuus iyo agnde
midaysan isla markaana lagu doortey si sharciga waafaqsan taasna ma muuqato oo ma
jirto cidda madax u ah dhalinta soomaaliyeed maxaa yeeey qaarba meel ayay ku go’doonsanyihiin
oo mid walba urur ayuu gooni u ootey.
Haddaba hadii ay
bataan uruada dhalinyarada ee kala yaacsan oo midba gees u taagnyahay waxaa
meesha ka baxaya horumarka dhalinta soomaaliyed taa oo sababi karta in dalka
dhalintiisu ay noqdaan kuwo aan u adeegin bulshadooda oo waxtarkooda uu lumo.Haddaba
si looga gaashaanto arintaas waa in la helaa dhalinyaro midaysan oo leh aqoon
iyo aragti dheer oo u istaaga sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dhibaatada
haysata dhalinyarada soomaalieed.
DOORKA DOWLADDA EE DHALINYARADA
Somaaliya wax ay
leedahay dowlad federal ah taa o ay ku midaysan yihiin maamulada ka jira dalka
sida darted ma jirto urur ay wasaaradun tiri ururkaas ayaa mideeya dhalinta
soomaaliyeed, wasiirkii hore ee dhalinyarad iyo isboortiha dowladda federalka
somaaliya ayaa sheegey in uusan jirin urur dhalinyaro somaaliyed oo ay aqoonsantahay
wasaaradda dhalliyarada ka dib marklii ay bateen ururada dhalinyaro ee is
magacabey.
Sidaa darted waxaa
maqan doorka dowladda ee ku aadan xakamaynta iyo midaynta dhalint somaaliyeed
waxaana loo baahanyahay in wasasardda dhalinyaradu ay samayso agenda cad oo
lagu maamulo dhalinyarad soomaaliyeed, si loo helo dhalinyaro midaysan oo hanan
kara dalka lagana gudbo kala qoqobnaanta dhalinta haysata.
GABAGABO IYO TALO SOO JEEDIN
Waxaan gabagada qormdani ku soo
koobayaa in dhalinta soomaaliyeed ay yeeshaan hoggaan midaysan oo ay iska
dhaafaan kala qoqobnaanta iyo khilaafka dhexdooda ah kaa oo saamyn ku yeelan
kara jiritaankooda,.
Sidoo kale wasaaradda
dhalinyaradu waa in ay la timaada siyaasad lagu midayn karo dhalinyaada
soomaaliyeed isla markaana u maamusho si cadaalad ku dheehantahay una qabato
doorasho lagu doorto hoggaan sax ah oo
mideeya dhaliyarda Soomaaliyeed.
Gagagabdii waxaan dhalinyarada
xasuusinayaa gabaygii uu abwaan xaaji aadan afqalooc kula Hadley dhalinyarada
soomaaliyed kaa oo ereyadiisu ka tarjumayaan waxa manta haysta dhalinta soomaaliyeed oo aad
moodo in maansadu ay ka hadlayso waxa taagan waqtigan,waxa uuna yiri abwaanku:
·
Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
·
Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo abaal baxa e
·
Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
·
Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
·
Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
·
Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
·
Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
·
Umaddaan shabaabkeedu(Dhalinyaradeedu) hanan
waa u ayaan xuma e
·
Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
·
Itaal qabe dadkiinii hore waydin aragtaane
·
Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
·
Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub
dhexaadkiiye
·
Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
·
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu
reebye
·
Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
·
Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.
Ugu dambayn waxaa dhalinyarada kula
dardaarmayaa in ay ka fekeraan sidii loo heli lahaa dhalinyaro midaysan oo wax
ka bedeli kara kuwa manta magac u yaalka ah ee ka jira dalka soomaaliya kuwaa
oo aan lahayn wax qabad kuna kooban in ay hadlan keliya.
Mahadansid
By:
Abdikani Ali adan
Wixii
talo ah iigu soodir:
Email: cqaniyare@gmail.com
Tel:
+252615121200
Twitter:
@adan_seed
Sunday, August 16, 2015
MOOSHINKII MADAXTOOYADUU YIMID: MAKA HARI MISE WUU LA HARI?
Waxaa inta badan caadi iska noqdey in mooshinku uu ka
mid noqdey waxa ugu badan ee ay qabteen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo
mooshinadii la keeney baarlamaanka badankood ay meel mareen laga soo bilaabo
barlamaanadii ku meel gaarka ahaa iyo kan hadda Federalka.
Mooshinada ugu badan ee baarlamaanka la keeno waxaa
loo qaadaa cod, ama waa uu guulaystaa mooshinka amaa waa uu guul dareystaa, taa
oo ay jirto hadana waxaa bulshada inteeda badan aan shaki uga jirin in la bixiyo lacago lagu kala gadanayo xubnaha
baarlamaanka oo ah in qofka laga keeney mooshinka uu bixiyo lacago badan si uu
usii joogo booskiisa.
haddaan dib u raaco mooshinadii la keeney baarlamaanka
federaalka intii uu jirey waxaa ka mid ahaa sida soo socota:-
21-kii November 2013, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
mooshinkii ugu horeeyay ee ay keenaan waxa ay ku rideen xukuumaddii uu
hogaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Saacid waxaa xilka Ra’iisul wasaare loo magacaabay
4-tii November 2012, isaga oo nasiib u yeeshay in uu noqdo Ra’iisul wasaarihii
ugu horeeyay ee dowlad aan KMG ahayn.
Markii la ridayay Saacid waxaa jiray khilaaf ka
dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, hase ahaatee
waxaa go’aanka loo daayay baarlamaanka, iyadoo xildhibaanno badan ay aad uga
soo horjeedeen xukuumadii waqtigaasi jirtay.
Xildhibaanada u codeeyay in meesha uu ka baxo Saacid
ayaa tiradoodu waxa ay ahayd 167 mudane.
Hadaba markii ay meesha ka baxday xukuumadii Saacid,
waxaa madaxweynaha uu bilaabay soo xulista shaqsiga uu u arko in uu noqdo
Ra’iisul wasaaraha cusub.
12-kii December 2013, waxaa hadane madaxweyne Xasan
Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed
oo markii hore dadka falanqeeya siyaasadda ku tirinayeen inuu yahay
shaqsi aad ugu wanaagsan howshaan loo dhiibay.
Hase ahaatee markii Cabdiweli uu shaqeeyay ku dhawaad
Sanad waxaa durba soo if baxay khilaaf cusub oo keenay in Ra’iisul wasaaraha
aanu Sanad toos ah si degan shaqadiisa ku dhameysan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala aragti
duwanaaday sii shaqeynta Ra’iisul wasaaraha, waxaana jiray khilaaf kala
dhaxeeyay madaxweynaha, iyadoo maalmo badan aanu baarlamaanka shaqeysan,
keentayna buuq iyo carqaladeyn lagu sameeyay kulamadii baarlamaanka.
Ugu dambeyn wada hadallo ka dib xildhibaanada waxa ay
go’aan buuxda ku qaateen in lagu kala baxo codeynta, islamarkaana loo codeeyo
mooshin laga geeyay Cabdiweli Sheekh Axmed.
December 6 -keedii 2014, xildhibaanada waxa ay u
codeeyeen mooshinka laga keenay Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana loo codeeyay in
meesha uu ka baxo, iyadoo ay codeeyeen xildhibaanno gaaraya 153 mudane.
Mooshinkaasi ayaa noqday midkii Labaad misane Laba
Sano gudahooda lagu rido Laba Ra’iisul Wasaare.
Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa la’is tusay in aanu
imaan doonin khilaaf dambe oo dowladda ah, iyadoo December 17-keedii 2014 uu
madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa Seddaxaad,
kaasi oo noqday midka haatan talada haya ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sidoo kale baarlamaanka federaalka waxa uu mooshin ka
keeeney Dowlad goboleedka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Madoobe,
kaas oo ay sheegeen baarlamaankaasi ay san ahayn sharci ah. markii loo qaadey
codka kalsoonida baarlamaanka jubbaland ayaa 132 kamid ah waxa ay taageereen
mooshinka halka 4 mudane ay diideen, 6 mudanana ay ka aamuseen.
Baarlamaanka Jubaland oo ka kooban 75 xubnood ayaa la
dhisay 15 April. Xaflad rasmi ah oo baarlamaanka dhismihiisa
lagu callemo-saarayo ayaa la qabtay 7-dii bishii May. Waxaa xafladaas
ka soo qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, wasiirada arimaha dibada ee
Keya, Itoobiya iyo madax kale oo ka socota ururo caalami ah.
Maamaulka Jubaland ayaa horey ugu hanjabay in uuna wax
iskaashi ah la yeelan doonin xukuumada Xamar hadii oo mooshinku meelmaro kadib go aankii baarlamaanka federaalka waxaa
kulan deg deg ah yeeshey baarlamaanka jubaland kadib Cod loo qaaday xiriirka
iyo la sii shaqaynta dowladda federaalka ayaa xildhibaano gaaray 55 xildhibaan
ku ogolaadeen in xiriirka loo jaro Dowladda federaalka ma jirin cid diiday iyo
cid ka aamustay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in
baarlamaanka Jubba go’aankaas gaareen ilaa ay dowladda federaalka iyo baarlamaanka
isbedel ku dhaqaaqaan.
12 kii august
2015 waxaa mudanayaal kor u dhaafaya 90 xildhibaan oo ka tirsan
Barlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan
Sheekh Mahmoud u gudbiyay guduunka golaha shacabka ah ee Soomaliya.
Sidoo kale madaxweynaha oo ka Hadley mooshinka laga
gudbiyey ayaa sheegey in dadka mooshinka wada ay yihiin dad ku fashilmey doorka
siyaasadda dalka isla markaana anan dib loo laaban doonin oo horey looga socon
doono, waxa Madaxweynuhu ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac keeno
hadda waxaa loo gudbiyey mooshinkii laga keeney
madaxweynaha soomaaliya maxkamada sare ee dalka sida ay sheegeen xildhibaanadii mooshinka keeney.
Hadda Mooshinkan, ayaa dhaliyay xiisad siyaasadeed oo
si weyn looga dareemay dalka , waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay
Madaxweynaha ka mid ah ku xadgudub ka dhan ah Dastuurka, xoriyada Muwaadinka
iyo musuq maasuq hantida Qaranka ah.
Hadii mooshanka la aqablo waxuu khatar galin doonaa
madaxwaynaha Soomaliyaa Xasan sheekh Maxamuud oo ay hadda u harsantahay
wax ka yar hal sano.
haddaba mooshinkaan madaxtooyada maka hari mise wuu la
hari?.................................
By: Abdikani Ali Adan
Sunday, August 2, 2015
HIIGSIGA AAN LAGAAREYN IYO HIRASHADA 2036-DA
Waxaa
dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gabogaboobey shirka Hiigsiga Cusub kaasi oo
laga soo saaray qodobo badan, la’iskuna afgartay.
Kadib 2
maalmood oo la shirsanaa, 120 ergo oo isugu jira kuwa adduunka ka socda iyo
golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa lasoo saaray illaa 40
qodob oo dhamaantood ka hadlayay sidii dalka Soomaaliya horumar loo gaarsiin
lahaa.
Shirka waxaa
looga hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay mashruuca Hiigsiga Cusub oo lasoo
bilaabay sedex sano ka hor kadib shirkii Brussels ee lagu yaboohay $2.4 Bilyan
doolar si loo fuliyo mashaariicda ku xusan qorshaha Hiigsiga ee lixda ah.
War
saxaafadeedka laga soo saaray shirka waxaa lagu sheegey in qorshayaasha ay wax
badan ka qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo badan oo dhiman.
Laakiin
xaqiiqda waxa ay tahay in aysan jirin wax la taaban karo oo ka qabsoomay
mashruucani marka laga tago lix mashruuc oo ay ku baxday $240 malyuun oo kaliya
oo ka mid ah lacagtii Soomaaliya loogu yaboohay.
Hiigsiga
cusub waa barnaamij caalami ah oo ku qotoma 5 tiir oo kala ah siyaasadda,
amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caddaaladda, canshuur uruurinta iyo
adeegyada dadweynaha.
Qodobka ugu
xiisaha badan waa kan siyaasadda oo dhigayay in marka la gaaro sanadka 2016-ka
ay dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, intaasi ka horna la dhameystiro
dhismaha maamul goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhiso
guddiga doorashooyinka oo isagu markaasi qabta hawsha ka horeysa in la qabto
inta aysan doorasho dhicin sida diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo dabcan in la
sameeyo tirakoob.
Ma jiro
qodob kuwaasi ka mid ah oo qabsoomey, marka laga reebo guddiga doorashooyinka
oo isagu laftiisa bishii hore uun la dhamaystirey, xafiisna aanan wali lahayn,
iskaba dhaaf in uu hawl galee.
Cid kasta oo
garasho iyo qiyaas leh waa ay fahmi kartay in doorasho qof iyo codkiisa ah
aysan dalka ka dhici karin 2016, laakiin madaxda dowladda federaalka, gaar
ahaan madaxweynaha waxa uu muddo sedex sano ah shacabka u sheegayaan in ay
dhici doonto doorasho.
Daqiiqaddii
ugu dambeysey oo ay maalin uun ka dhimanayd shirka Hiigsiga Muqdisho oo dhacay
intii u dhaxaysay 29-ka illaa 30-ka July ayay xukuumadda iyo guddi baarlamaanka
ka tirsan ay shaaciyeen in aysan suurogal ahayn in doorasho ay dhacdo.
Ma ahayn
go’aan cod la galiyey baarlamaanka, waxaa go’aan kasoo gaaray guddi 25 xubnood
ka kooban iyo xukuumadda oo markii horaba iyaga hoosta ka wada socdey,
xildhibaanada baarlamaanka qaarkoodna waxa ay sheegeen in go’aankaasi uusan
ahayn mid dastuuri ah, kana turjumaya rabitaanka baarlamaanka.
Talaabada la
qaaday waxay ay ahayd mid lagu hor dagayay shirka Hiigsiga oo lagu waday in
lagu go’aamiyo sida ay u ekaan doonto 2016-ka, waxaase muuqatay in ay hoos iska
ogaayeen dowladda iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya maadaamaa
Nicholas Kay uu shirka ka sheegey in UN-ka ay ogaadeen in aysan dhici karin
doorasho qof iyo codkiis ah sanadka 2016-ka.
Wuxuuse
sheegey in Qaramada Midoobey aysan aqbali karin muddo kororsi, sidaasi oo ay
tahay hadalkaasi ma jiro miisaan badan oo uu leeyahay maadaamaa aysan jirin wax
damaanad ah cid bixin karta in madaxda dowladda aysan muddada kororsan doonin.
Xisbiyada
iyo dadka siyaasadda u dhuun duleela intuba waxa ay walwal badan ka qabaan
qorshe hoose oo madaxweynaha iyo baarlamaanka ay mudada ku kororsanayaan. Waxaa
isla arrintani qirtey todobaadkani Nicholas Kay laftiisa oo laga soo xigtey
isaga oo leh
“Waxaan ogahay qaar ka mid ah madaxda dalka oo
qaba in muddada loo kordhiyo”.
Shirkii
Hiigsiga waxaa ka maqnaa oo aanan soo xaadirin maamulada Jubbaland iyo Puntland
oo iyagu uu xunyahay xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka, sheegeyna in
aysan shirkaasi ka qeybgalaynin illaa inta dowladda federaalka ay cagta
saarayso sida uu sharciga qabo, kana soo dhalaaleyso waxyaabihii lagu
heshiiyey.
Ma ahan oo
kaliya in dowladda ay ku dhawaaqday in aysan dhacaynin doorasho guud sanadka
2016, ee sidoo kale dowladda waxa ay albaab furan ka dhigtey habka looga
gudbayo marxaladda hadda lagu jiro iyo nooca ay tahay doorashada, tanina waxaa
la sheegayaa in dowladda sida ay doonto u dhigi karto qorshaha.
Shirka
hiigsiga laftiisa laguma caddeynin nooca ay noqoneyso doorashada dhacaysa,
waxaana lagu sheegey kaliya in wada tashi laga galayo arrinta doorasho dhacda.
Laakiin
qodobka ugu yaabka badnaa ee kasoo baxay shirka Hiigsiga ayaa waxa uu ahaa in
uu jiro qorshe isna la tiigsanayo oo loogu magac daray 2035-ta, waxayna dad
badan is weeydiinayaan haddii la gaari waayay hiigsiga 2016-ka, goorma ayaa la
gaarayaa 2035-ta?.
Hase yeeshee
qaar kale ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay ku fiicantahay in hiigsi loo cayimo,
sidaas kaliyana ay wax ku qabsamayaan, ugu yaraan wax uun ka mid ah waxyaabihii
loo calaamadiyey, haddii kale aysan waxbo qabsan karin Soomaalida.
Xigasho: Goobjoog News
Saturday, August 1, 2015
DOORASHO WEYNEE WAQTI NOOGU DARA.
Soomaaliya waxaa ay kamid tahay wadamada dhaca
qaaradda Afrika gaar ahaan geeska afrika waxaa deris la ah wadamada Kenya,
Ethiopia, Djibouti kuwaa oo intooda badan ay ciidamo ka jooogaan Dalka
Soomaaliya, sidoo kale dalalka ay Ciidamada Ka jiigaan Soomaliya waxaa ka mida
Ugandha iyo Brundi ku waa oo ku jooga Madate ay midowga afrika u go’aamiyeen.
Dhammaan dalalka aan kor ku soo xusey qaarkood waxa ka
dhacay xasarado ku lug leh Doorashooyinka, wadankii ugu dambeeyey ee ay ka
dhacdo xasarad la xiriirta doorashooyinka welina ay taagantahay ayaa ah wadanka
Brundi kaa oo ay ciidamo a joogaan Soomaaliya. Xasaradahaas Ka dhacay dalka
Burundi sanadkan ayaa salka ku haya arimo la xiriira Doorashooyinka, ka dib
markii madaxweynaha dalkaasi uu ku dhawaaqey in uu u tartamayo mar saddexaad
xilka madaxnimo ee dalkaasi, taas oo
sababtey in uu ka dhoco dalkaasi afgembi fashilmey oo ay soo qaban qaabiyeen
saraakissha Ugu sareysa dalkaasi, iyadoo ay weli taagantahay dhibaatada ka
dhalatey doorashooyinka dalkaasi oo ay dad badani ku naf waayeen.
Sidoo kale wadanka Kenya waxaa ka dhacay dagaal uu
dhiig badan ku daatey dhammaadkii sanadkii 2007 iyo horraantii 2008-dii ka dib
khilaaf ka dhashey qaabka doorasho ee dalkaasi, khilaafkaa ayaa waxa uu u
dhexeeyey madaweyne Moi kibaki iyo horjoogaha mucaaradka dalkaasi Kenya Raila
Odinga kaa oo uu Kenya ka soo horjeesteen Dooradho ay sheegeen in ay ahayd mid
musuqaasuq ku salay, dagaalkan ayaa waxa uu galaaftey nolasha dad kor u
dhaafayaa 1,300 oo qof, kadib markii dagal uu dhexmarey qabaaillo kala
taageersan Labada Hogaamiye ee mucaaradka iyo muxaafidka dalkaasi Kenya.
Dhowaan labada Gole ee xukuumadda iyo Barlamaanka waxa
ay sheegeen in doorasho qof iyo Cod ah aysan Ka dhici jarin Soomaaliya,
Sababtoo ay ku sheegin in aan loo hayn waqti ku filan, balse waxa ay sheegeen
in doorasho ay dhici doonto, balse aan la ogayn qaabka ay noqon karto maadaama
lagu balansanaa in 2016 ay dhaci doonto doorasho qof iyo Cod ah. hadlakaan
waxaa ka soo horjeestey xisbiyada dalka, ururada Bulshada rayidka iyo qaar
kamid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka kuwa oo sheegey
in dowladdo ay ka hor dhcdey ayna ahayd in ay ka war sugto guddiga magacaaban
ee Doorashooyinka qaranka.
Sidaa si la mida Maamulka Somaliland waxaa ka taagan khilaaf
la xiriira doorashooyinka, taa oo sababtey in la xir xiro dad ka tirsan
Mucaaaradka Somaliland, kadib markii waqtigii lagu ballansanaa in ay doorasho
dhacdo la shaaciyey in aan doorasho dhici Karin, taasna ay sababtey in muddoo
loogu daro Xukuumadda Somaliland, arintan ayaa dhalisey Khilaaf xoogan welina
waxa taagan khilaafkii ay reebetey arintaas.
Sidoo kale, waxaa muqdishu lagu qabtey Shirka HIGH
LEVEL PARTNERSHIP FORUM, oo ay ka soo qeybgaleen dowlado badan oo soomaaliya
Saaxiib dhow la ah, balse waxaa ka maqnaa shirkaas dowlad goboleedyada Punland,
Somaliland iyo Jubbaland. waxaa shirka ka soo baxay qodobo badan oo ay ka mid
yihiin in ay doorasho qof iyo codkiisa aysan ka dhici Karin Soomaaliya.
Sidoo kale dowlad goboleedka Punland waxa ay soo saartey
Warmurtiyeed ay ku sheegeyso sababaha kalifey in ay ka maqnaato shirka iyadoo
sheegtey in Dowladda federalka ay jebisey Dastuurka Dalak isla markaana
dowladdu dhistey maamul goboleed aan waafaqsaneen Dastuurka. Dad badan oo
siyaasadda Falanqeeya ayaa sheegey in ay horey u ogaayeen in Aysan doorasho qof
iyo codkiisa ay san dhici Karin sababta oo ay yiraahdeen madaxda dalka oo aan u
diyaarsaneen in doorasho qof iyo codkiis ah ay dhacdo. Sidoo kale maammulka
Somaliland ayaa sheegey in ay riwaayad ahayd in doorasho qof iyo Codkiis ah ay
ka dhacdo Soomaaliya. Hadda waxaa Muuqata ifafaale ah in muddada loo kordhiyo
Dowlada Hadda Jirta.
Muddo 25 sano kadib markii ay meesha ka baxdey
dowladii militeriga ee dalka mudada xukumi jirtey, waxaa hadda Soomaaliya Ka
jira Dowlad laga aqoonsanyahay Caalamka. Taa oo samaysey houmaro fara badan oo
la xiriira ammaanka dhaqaalaha, federalka iyo siyaasdda, in kastoo ay jiraan
dhaliilo la xiriira waxqabdka Dowladda.
Haddaba Malaga yaabaa in Dowlada hadda talada
haysa ay xukunka dheereysato iyadoo ay muuqato
in dalal badan oo geeska ah ay madaxdooda xukunka hayaan waqti dheer, tusaala
ahaan Ethiopia waxa ka dhacdey doorasho taa ooh al kursi oo ka mid ah ayasan ku
guulaysan mucaaradka, ka hor raysal wasaaraha iminka talada haya Desalin, waxaa
horey xukunka ugu takri fali jirey raysalwasaariii geeriyoodey ee Milaz Zanawi,
waxa uu xilka la wareegey 28 may 1991, waxa uu na xilka hayey muddo 22 sano
ah, dadka Ethiopia waxaa tiradooda lagu
qiyaasaa 88 million oo qof waxaana la sheegaa 66% in ay san aqoon hogaamiye
kale oo aan ahayn melez Zanawi.
Dhanka kale Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika Ugu
xukunka dheer waxaa kamida Madaxweynaha Dalka Ugadha kaa oo xiriir dow la leh
Dowladda Soomaaliya Islamarkaana ay soomaliya ka joogaan Ciidamo Ku howl gala
Magca Amisom. Yoweri Museveni waxa uu xilka dalkaasi la wareegey 29 January
1986 welina waa madaxweynaha dalka Uganda, waxa uu ka ariminayaa dalkaasi mudoo
dhan 29 sano.Dadka ku nool Uganda ayaa
tiradoodu waxa ay gaaraysaa 33.39
million. Welina wax rabshado ah kama aysan dhicn, balse dadka kama hadli karaan
Xukunka kali talisnimada ah ee Madaxweynahaasi.
Dalka
kale ee Afrika ee madaxdoodu ay xukunka hayaan in mudoo ah waxaa ka mida Hun
Sen, Sen Waa madaxweynaha dalka Cambodia waxa uu xilka dalkaasi qabtey January
14, 1985. Welina waa madaxweynaha
dalkasi, a waxa uu xukunka hayaa muddo dhan 30 sano, dadka ku nool dalkaasi
ayaa tira ahaan gaaraya 14.45 million oo qof.
Dhanka
kale Omar al-Bashir waa Madaxweynaha Dalka suudaan waxa uu xilka la wareegey 30
June, 1989, waxa uu talada dalkaasi haayey muddo dhan 25 sano, welina waa madaxweynaha dalkaasi,
dadka suudaan tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 43.9 million oo qof waana wadanka
ugu baaxadda wayn bariga Afrika marka laga hadlayo dhul ahaan.Wadama sidoo kale
ay Madaxdoodu xukunka iska hayaan Muddo waxaa kamida dalalka, Zimbabwe,
Cameron, Djibouti, Congo iyo Burkina Faso.
Haddaba
maxay uga maxaa farqi ah oo u dhexeeya wadamada Ann kor ku soo xusey iyo
Somaaliya?- Soomaaliya waxa ay uga bedelantahay wadamadaas waxyaabo kal duwan
sida dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda IWM. Dhaqaalaha ahaan soomaaliya waxaa
muuqata in ay uga duwantahay wadamadaas in kastoo wadanka uu sooo galo dhaqaale
hadana waxaa badan midka dibadda uga yimaada oo ay ku deeqdo Beesha caalamka,halka
wadamadas uu dhaqaalahoodu yahay mid wanaagsan, Ammaan ahaan Soomaaliaya waxa
ay uga bedelantahay wadamada kale-soomaaliya wad al hadda ka soo kabsanaya
Burbur in mudda ah soo jiitamayey waxaana Jira xoogag Hubaysan oo dowlada
dagaal kula jira, waxaana ay dowladdu wad, siyaasad ahaan soomaaliya waxaa ay
uga duwantahay wadamadaas in ay jiraan dowlad govoleedyo siyaasadda kula
loolamaya madaxda Dalka kuwaa oo doonaya in ay xilka qabtaan sidoo kale waxaa
jira siyaasiyiin horey xilka usoo qabtey oo doonayo in ay markale qabtaan
talada dalka, sababaahs muuqda iyo kuwa kale ayay uga duwantahay Soomaalya
wadama Madaxdoodu ay xukunka dheereysteen.
Guntii
iyo gabagabadii, waxaa muuqda in loolan xoogan loo geli doona hoggaanka dalka,
iyadoo xisbiyo badan ay doonyaan in ay u tartamaan talada dalka, in kastoo
xukuumadd ay sheegtey si ka duwan sidii laga filayey oo ahayd in doorasho qof
iyo codkiisa ay ka dhacdo Soomaalia 2016-ka balse mid ka duwan ay dhici doonto
sidauu ka dhawaajiyey madaxweynaha Dalka Xasan sheikh Maxamuud.
By:
Abdikani Ali adan
Subscribe to:
Posts (Atom)


