Soomaalidu waxa
ay ku maahmaahdaa “DHERIGII FARA BATA WUU FUUD XARAAREEYAA” taa oo uu
micnaheedu yahay qof walba haduu dheriga markiisa kala boxo waxa soo hara waxa
ay noqonayaa wax aan wanaagsaneen oo nuxurka ka dhinta, hadii aan si kale u
dhigo ururada faraha badan ee dhalinyarada soomaaliyeed oo uu mid walba dhinac u samaysanyahay waxa
ay noqdeen kuwo aan dhaqaaq lahayn isla markaana aysan muuqan waxqabad la
taaban karo oo ay u qabteen dhalinyarda Soomaaliyed.
Sidaa darted waxa ay noqdeen kuwo aan isku hadaf ahayn oo mid
walbana dhinac u jeedo iyadoo aysan caddeyn ururada qaar hadafka ay u
samaysanyihiin, taa oo sabatey in urur
kasta uu noqdo Magac u yaal, haddaba qormadani waxaa uga hadli doonaa ururada
dhalniyarada ee tirada badan ee is magacaabey sida ay saamayn ugu leeyihiin
Horumarka dhalinta Soomaaliyeed.
DHALINYARO
Dhalinyaradu waa
dadka da’ ahaan u dhexeeya 15-40 sano Kuwaa oo ah awooda dal kasta uu ku faano
haddii ay ahaan lahayd cudud ahaan iyo caqli ahaan intaba. Dhalinyaradu waxa ay
u adeegaan dalkooda, iyago qabta howsha ugu muhiimsan ee dowladi leedahay,
haddii ay dhalinyaro jirin dalkasi waxa uu halis ugu jiraa inuu burburo
dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan intaba. Haddaba iyadoo ay dhalinyaradu yihiin
awoodda dalkasta hadddana soomaaliya markaan u soo leexdo dadka ku nool waxaa
la shegey in wax kabadan 70% ay yihiin dhalinyaro kadib tira koob ay samaysey
wasaaradda qorshaynata qaranka haddana aysan ka muuqan awoodda ay leeyihiin
taasna waxaa sabab u aha hoggaan xumada iyo isku xirnaan la’aanta dhalinyarada
soomaaliyeed.
URURADA DHALINYRADA
Waaxaa jira
ururo dhalinyaro oo fara abdan oo is magacaabey kuwaa oo ujeedka loo aasaasey
aysan caddeyn islamarkaana aysan muuqan wax qabad la taaban karo, sida saxda
ahna ma jrto cid la xisaabtanta sababtoo ah malahan hoggaan midaynsan oo loogu
hagaagi karo ururadaas faraha badan ee dhalinyarada.
Marka aan
taariikhda dib u raacno Soomaaliya waxa ay lahayd urur dhalinyaroo oo la dhihi
jirey SYL kaa oo ay aas aaseen dhalinyaro gaareysa 13 dhalinyaro ah, waxa ayna
u horseedeen Soomaaliya in ay gaarsiiyan Xoriyadda manta aan ku naaloonayno, wixii
ka dambeeyey SYL lama helin dhalinyaro u dhiganta Urukaasi SYL iyadoo ay hadda
dhalinyadu haystaan fursad aysan markaa haysan uryrkii SYL taa oo ay ku
hormarin karaa dalkaooda iyo dadkooda balse kama go’na in ay horumariyaan
sababtoo ah majiro hogaan sax ah oo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada
Soomaaliyeed.
Doorka iyo
Horumarka dhalinyarada soomaaliyed waxaa hortaagan ururo magac u yaal ah ku waa
oo aan lahayn agenda ay ku maamulaan dhalinta soomaaliyeed oo u heelan hogaan
wanagsan isla markaana ay san jirin wax la xisabtama sababtoo ah waxaa lala xisaabami karaa urur leh hab maamuus iyo agnde
midaysan isla markaana lagu doortey si sharciga waafaqsan taasna ma muuqato oo ma
jirto cidda madax u ah dhalinta soomaaliyeed maxaa yeeey qaarba meel ayay ku go’doonsanyihiin
oo mid walba urur ayuu gooni u ootey.
Haddaba hadii ay
bataan uruada dhalinyarada ee kala yaacsan oo midba gees u taagnyahay waxaa
meesha ka baxaya horumarka dhalinta soomaaliyed taa oo sababi karta in dalka
dhalintiisu ay noqdaan kuwo aan u adeegin bulshadooda oo waxtarkooda uu lumo.Haddaba
si looga gaashaanto arintaas waa in la helaa dhalinyaro midaysan oo leh aqoon
iyo aragti dheer oo u istaaga sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dhibaatada
haysata dhalinyarada soomaalieed.
DOORKA DOWLADDA EE DHALINYARADA
Somaaliya wax ay
leedahay dowlad federal ah taa o ay ku midaysan yihiin maamulada ka jira dalka
sida darted ma jirto urur ay wasaaradun tiri ururkaas ayaa mideeya dhalinta
soomaaliyeed, wasiirkii hore ee dhalinyarad iyo isboortiha dowladda federalka
somaaliya ayaa sheegey in uusan jirin urur dhalinyaro somaaliyed oo ay aqoonsantahay
wasaaradda dhalliyarada ka dib marklii ay bateen ururada dhalinyaro ee is
magacabey.
Sidaa darted waxaa
maqan doorka dowladda ee ku aadan xakamaynta iyo midaynta dhalint somaaliyeed
waxaana loo baahanyahay in wasasardda dhalinyaradu ay samayso agenda cad oo
lagu maamulo dhalinyarad soomaaliyeed, si loo helo dhalinyaro midaysan oo hanan
kara dalka lagana gudbo kala qoqobnaanta dhalinta haysata.
GABAGABO IYO TALO SOO JEEDIN
Waxaan gabagada qormdani ku soo
koobayaa in dhalinta soomaaliyeed ay yeeshaan hoggaan midaysan oo ay iska
dhaafaan kala qoqobnaanta iyo khilaafka dhexdooda ah kaa oo saamyn ku yeelan
kara jiritaankooda,.
Sidoo kale wasaaradda
dhalinyaradu waa in ay la timaada siyaasad lagu midayn karo dhalinyaada
soomaaliyeed isla markaana u maamusho si cadaalad ku dheehantahay una qabato
doorasho lagu doorto hoggaan sax ah oo
mideeya dhaliyarda Soomaaliyeed.
Gagagabdii waxaan dhalinyarada
xasuusinayaa gabaygii uu abwaan xaaji aadan afqalooc kula Hadley dhalinyarada
soomaaliyed kaa oo ereyadiisu ka tarjumayaan waxa manta haysta dhalinta soomaaliyeed oo aad
moodo in maansadu ay ka hadlayso waxa taagan waqtigan,waxa uuna yiri abwaanku:
·
Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
·
Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo abaal baxa e
·
Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
·
Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
·
Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
·
Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
·
Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
·
Umaddaan shabaabkeedu(Dhalinyaradeedu) hanan
waa u ayaan xuma e
·
Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
·
Itaal qabe dadkiinii hore waydin aragtaane
·
Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
·
Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub
dhexaadkiiye
·
Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
·
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu
reebye
·
Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
·
Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.
Ugu dambayn waxaa dhalinyarada kula
dardaarmayaa in ay ka fekeraan sidii loo heli lahaa dhalinyaro midaysan oo wax
ka bedeli kara kuwa manta magac u yaalka ah ee ka jira dalka soomaaliya kuwaa
oo aan lahayn wax qabad kuna kooban in ay hadlan keliya.
Mahadansid
By:
Abdikani Ali adan
Wixii
talo ah iigu soodir:
Email: cqaniyare@gmail.com
Tel:
+252615121200
Twitter:
@adan_seed
No comments:
Post a Comment