Thursday, September 10, 2015

QORMO: URURADA FARAHA BADAN FAA’IIDO LAGA WAA!!!!

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “DHERIGII FARA BATA WUU FUUD XARAAREEYAA” taa oo uu micnaheedu yahay qof walba haduu dheriga markiisa kala boxo waxa soo hara waxa ay noqonayaa wax aan wanaagsaneen oo nuxurka ka dhinta, hadii aan si kale u dhigo ururada faraha badan ee dhalinyarada soomaaliyeed  oo uu mid walba dhinac u samaysanyahay waxa ay noqdeen kuwo aan dhaqaaq lahayn isla markaana aysan muuqan waxqabad la taaban karo oo ay u qabteen dhalinyarda Soomaaliyed.

Sidaa darted waxa  ay noqdeen kuwo aan isku hadaf ahayn oo mid walbana dhinac u jeedo iyadoo aysan caddeyn ururada qaar hadafka ay u samaysanyihiin, taa oo  sabatey in urur kasta uu noqdo Magac u yaal, haddaba qormadani waxaa uga hadli doonaa ururada dhalniyarada ee tirada badan ee is magacaabey sida ay saamayn ugu leeyihiin Horumarka dhalinta Soomaaliyeed.

DHALINYARO

Dhalinyaradu waa dadka da’ ahaan u dhexeeya 15-40 sano Kuwaa oo ah awooda dal kasta uu ku faano haddii ay ahaan lahayd cudud ahaan iyo caqli ahaan intaba. Dhalinyaradu waxa ay u adeegaan dalkooda, iyago qabta howsha ugu muhiimsan ee dowladi leedahay, haddii ay dhalinyaro jirin dalkasi waxa uu halis ugu jiraa inuu burburo dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan intaba. Haddaba iyadoo ay dhalinyaradu yihiin awoodda dalkasta hadddana soomaaliya markaan u soo leexdo dadka ku nool waxaa la shegey in wax kabadan 70% ay yihiin dhalinyaro kadib tira koob ay samaysey wasaaradda qorshaynata qaranka haddana aysan ka muuqan awoodda ay leeyihiin taasna waxaa sabab u aha hoggaan xumada iyo isku xirnaan la’aanta dhalinyarada soomaaliyeed.

URURADA DHALINYRADA

Waaxaa jira ururo dhalinyaro oo fara abdan oo is magacaabey kuwaa oo ujeedka loo aasaasey aysan caddeyn islamarkaana aysan muuqan wax qabad la taaban karo, sida saxda ahna ma jrto cid la xisaabtanta sababtoo ah malahan hoggaan midaynsan oo loogu hagaagi karo ururadaas faraha badan ee dhalinyarada.

Marka aan taariikhda dib u raacno Soomaaliya waxa ay lahayd urur dhalinyaroo oo la dhihi jirey SYL kaa oo ay aas aaseen dhalinyaro gaareysa 13 dhalinyaro ah, waxa ayna u horseedeen Soomaaliya in ay gaarsiiyan Xoriyadda manta aan ku naaloonayno, wixii ka dambeeyey SYL lama helin dhalinyaro u dhiganta Urukaasi SYL iyadoo ay hadda dhalinyadu haystaan fursad aysan markaa haysan uryrkii SYL taa oo ay ku hormarin karaa dalkaooda iyo dadkooda balse kama go’na in ay horumariyaan sababtoo ah majiro hogaan sax ah oo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Doorka iyo Horumarka dhalinyarada soomaaliyed waxaa hortaagan ururo magac u yaal ah ku waa oo aan lahayn agenda ay ku maamulaan dhalinta soomaaliyeed oo u heelan hogaan wanagsan isla markaana ay san jirin wax la xisabtama sababtoo ah waxaa lala  xisaabami karaa urur leh hab maamuus iyo agnde midaysan isla markaana lagu doortey si sharciga waafaqsan taasna ma muuqato oo ma jirto  cidda madax u ah dhalinta soomaaliyeed  maxaa yeeey qaarba meel ayay ku go’doonsanyihiin oo  mid walba urur ayuu  gooni u ootey.

Haddaba hadii ay bataan uruada dhalinyarada ee kala yaacsan oo midba gees u taagnyahay waxaa meesha ka baxaya horumarka dhalinta soomaaliyed taa oo sababi karta in dalka dhalintiisu ay noqdaan kuwo aan u adeegin bulshadooda oo waxtarkooda uu lumo.Haddaba si looga gaashaanto arintaas waa in la helaa dhalinyaro midaysan oo leh aqoon iyo aragti dheer oo u istaaga sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dhibaatada haysata dhalinyarada soomaalieed.

DOORKA DOWLADDA EE DHALINYARADA

Somaaliya wax ay leedahay dowlad federal ah taa o ay ku midaysan yihiin maamulada ka jira dalka sida darted ma jirto urur ay wasaaradun tiri ururkaas ayaa mideeya dhalinta soomaaliyeed, wasiirkii hore ee dhalinyarad iyo isboortiha dowladda federalka somaaliya ayaa sheegey in uusan jirin urur dhalinyaro somaaliyed oo ay aqoonsantahay wasaaradda dhalliyarada ka dib marklii ay bateen ururada dhalinyaro ee is magacabey.
Sidaa darted waxaa maqan doorka dowladda ee ku aadan xakamaynta iyo midaynta dhalint somaaliyeed waxaana loo baahanyahay in wasasardda dhalinyaradu ay samayso agenda cad oo lagu maamulo dhalinyarad soomaaliyeed, si loo helo dhalinyaro midaysan oo hanan kara dalka lagana gudbo kala qoqobnaanta dhalinta haysata.

GABAGABO IYO TALO SOO JEEDIN

Waxaan gabagada qormdani ku soo koobayaa in dhalinta soomaaliyeed ay yeeshaan hoggaan midaysan oo ay iska dhaafaan kala qoqobnaanta iyo khilaafka dhexdooda ah kaa oo saamyn ku yeelan kara jiritaankooda,.
Sidoo kale wasaaradda dhalinyaradu waa in ay la timaada siyaasad lagu midayn karo dhalinyaada soomaaliyeed isla markaana u maamusho si cadaalad ku dheehantahay una qabato doorasho lagu doorto hoggaan sax ah  oo mideeya dhaliyarda  Soomaaliyeed.
Gagagabdii waxaan dhalinyarada xasuusinayaa gabaygii uu abwaan xaaji aadan afqalooc kula Hadley dhalinyarada soomaaliyed kaa oo ereyadiisu ka tarjumayaan  waxa manta haysta dhalinta soomaaliyeed oo aad moodo in maansadu ay ka hadlayso waxa taagan waqtigan,waxa uuna yiri abwaanku:
·         Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
·         Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo abaal baxa e
·         Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
·         Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
·         Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
·         Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
·         Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
·         Umaddaan shabaabkeedu(Dhalinyaradeedu) hanan waa u ayaan xuma e
·         Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
·         Itaal qabe dadkiinii hore waydin aragtaane
·         Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
·         Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
·         Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
·         Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
·         Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
·         Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

Ugu dambayn waxaa dhalinyarada kula dardaarmayaa in ay ka fekeraan sidii loo heli lahaa dhalinyaro midaysan oo wax ka bedeli kara kuwa manta magac u yaalka ah ee ka jira dalka soomaaliya kuwaa oo aan lahayn wax qabad kuna kooban in ay hadlan keliya.

Mahadansid

By: Abdikani Ali adan
Wixii talo ah iigu soodir:
Tel: +252615121200
Twitter: @adan_seed