Thursday, August 25, 2016

Ma qalin jebin Jaamacad Mase Qandaraas Shahaado qaadasho?

Dad badan ayaa u hambalyeeyey dad ay asxaab iyo qaraabo yihiin oo todobaadkan ka qalin jebiyey qaar ka mid ah jaamacadaha magaalada, kuwaas waxaa ku jira qaar kale oo tira ahaan iyaga la eg ama ka badan oo aan weligood fasal jaamacadeed in ay fariistaan iskaba daaye aan wax shaqo ka baxsan u tegin jaamacadaha.
Sidaas daraadeed ardeyda sida saxda ah u qalin jebisay waxay mudan yihiin in loo tacsiyeeyo halkii loo hambalyeen lahaa, sababtoo ah iyaga oo 3 ama 4 sano galaas soo xaadirayay ayay maanta si howl iyo dhib la’aan isku darajo yihiin kuwo aan xitaa sadex maaddo magacyadooda sheegi Karin.
Cadaalad dari ka xun ma jirto, marka shahaaddo cilmiyeed faraha loo galiyo qof xitaa aan si sax ah u qori Karin luuqadda uu u dhashay ee uu maalin kasta adeegsado ku hadalkeeda.
Waxaan xasuustaa macalin ka mid barayaashii jaamacadda ee wax noo dhigayay oo noo sharaxay sababta ardeyda qishka looga ilaaliyo, “wuxuu yiri waxaa qishka loo diidayaa waxaa isku darajo noqonaya ardey fahamkiisu liito iyo mid soo dadaalay oo wax badan maadada ka fahamsan, sidaas daraadeed waa in qof kasta taagtiisa talaabsado”
Haddii ardey hal meel wax ku wada baran jirtay qishka looga ilaaliyey in cadaalad dari laga dhowrsanayo darteed, maxay ka dhigan tahay marka isku shahaaddo iyo isku dhibco laga dhigo kuwo maalin kasta soo hurayay waqti, qarash iyo juhdi iyo kuwo wax kasta oo jaamacadda ku saabsan ka ah xalay dhalay, tani ma cadaalad dari mase cadaaladda oo la aasay.
Marka ay dowladdu sameysay nidaamka lagu jaangooyey mushaar qaadashada ee la yiri qof kasta oo heysta shahaado jaamacadeed wuxuu noqonayaa G-A wuxuuna qaadanayaa mushaar dhowr boqol oo dollar ah, lagu daray koontarool la’aanta tayada jaamacadaha iyo maamulada jaamacadaha qaarkood oo aan ilaalin masuuliyad bulsho, waxay keeneen in qof kasta oo awooda uu gato shahaaddada jaamacadda.
Arrintan ma aha wax soo bilowday todobaadkan iyo todobaadyadii ka horreeyey oo kaliya waa mid soo jirtay dhowrkii sano ee ugu dambeeyey, balse tiradii ugu badneyd ayaa todobaadkan u dabaal degay in shahaaddo jaamacadeed laga iibiyey.
Suurtagal, waxay kula noqon kartaa arrintan mid iska sahlan, laakiin is weydii marka adiga oo xannuunsan laguu geeyo dhaqtar aan magaciisaba qori Karin oo laakiin derbiga isbitaalka ay ugu dhegan tahay shahaado uu sanado ka hor kasoo gatay jaamacad oo uu u bareero in uu kugu sameeyo qalliin ama howl kale oo caafimaad, najiitadu maxay noqon kartaa?
Dhaqtarka oo kaliya maaha, kulliyad kasta oo qofka shahaaddada loogu qoro beri ayuu bulshada ku dhibaateyn doonaa wax uusan aqoon u laheyn balse looga marqaati kacay in uu aqoonteeda leeyahay.
Qofka lacag laga siiyey shahaaddo cilmiyeed wuxuu xaq u yeelanayaa in uu ku gor-gortamo hadba dhibcaha shahaaddada loogu qorayo, waana hubaal in uu ka dhibco iyo derejo badanayo midka dhibcaha ku helay imtixaankii uu galay.
Hadda marka ay arrini halkaas mareyso bal is weydii “Ma qalin jebin Jaamacad Mase Qandaraas Shahaado qaadasho”?
Dowladda hoose iyo tan dhexeba waxay ku ammaanan yihiin in ay dhowr jeer sameeyeen howlgalo lagu qaaday xarumo muqdisho ku yaalla oo lagu sameyn jiray document-yada been abuurka ah kuwaasoo illaa xad howlahoodii been abuurka ahaa hoos loo dhigay, laakiin nasiib darro arrintii iyadoo sharci u eg waxay u wareegtay jaamacadaha qaar oo u baahan in daba-gal iyo wax ka qabashaba lagu sameeyo.
Waa dhibaato iyo aafo bulsho oo mustaqbalka dhow soo food leh haddii arrintan la dafiro ama si kale loo sahashado, qof kasta oo kari karo ayay masuuliyad ka saaran tahay in halkii uga aaddan uu wax ka qabto.
F.G: Jaamacadna qoraalkeygu ma weerarayo shakhsina ma durayo, laakiin wuxuu iftiiminayaa xaalad soo ifbaxeysa oo bulshadan ku leh saameyn taban, taasoo ay tahay masuuliyad isaaran iftiiminteeda.
Waxaan qirayaa in ay jiraan jaamacado tayadooda iyo waxqabadkooduba la siman yahay ama ka sareeyo kuwo ku yaalla waddamo ka hor marsan dalkeena sidoo kalena ardeyda jaamacadahaasi ka qalin jebiya yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo aqoontooda iyo kartida garaadkooda laakiin waxay u egtahay in ay ka xoog badinayaan kuwo kale oo magaca jaamacaddana la sita tayadana ka aradan.
W/Q: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

No comments:

Post a Comment