Soomaaliya waa dal kamida dalaka ku yaal qaaradda Afrika Gaar
ahaan bariga Afrika, waxaa ku nool dad kabadan 15-million, gobolada somaaliya
waa 18-gobol, wadanka somaaliya dhaqaalihiisu waxa uu ku tiirsanyahay beeraha,
xoolaha nool, iyo kalluumaysiga. Xeebta soomaliya waa xeebta ugu dheer qaaradda
afrika waxaana cabbirkeedu yahay 3333km. Somaaliya waxaa deris la ah wadamada
kala ah Ethiopia,Kenya iyo Djabuti.
Gogoldhiga warbixintaan wxaa uga gol leeyahay in aan ku
cabiro dareenkayga ku aadan maalinta calanka soomaaliya oo ku began maanta oo
kale 12-october 2014.
Taariikhda Calanka:
Calanka Soomaaliya waa calan leh midab buluuga ah
islamarkaana u eg cirka waxaa uu dhexda ku leeyahay xidig leh5-gees oo gees
walba u taaganyahay micno gooni ah.
5-ta gees waxaa ay u taaganyihiin 5-ta Soomaali oo kala ah KOOFURTA, oo xuriyadooda ka qaatey gumaystihii
talyaaniga, WAQOOYIGA oo xuriyadooda ka qaatey
gumaystihii ingiriiska, SOOMAALI GALBEED OO ay
hadda Etheopia haysato loona yaqaan Ogadenia, DJabuti iyo NFD oo ay
Kenya haysato. Waxaana sidaa u kala qeybshey gumaysigii reer yurub.
Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Maanta oo kale 12-kii october 1954-tii waa maalinta calanka
soomaaliya la aqoonsaday waxaana loo aqonsadey inuu
yahay calanka saxda ah ee soomaaliya ee ah midkan hadda aan leenahay ee baluuga
ah dhexdana ku leh xidigta 5-ta gees leh.
Heesta Calanka:
Calanka soomaaliya waxaa loo qaadey heeso kala duwan oo aad u
macaan waxaana ka mida heesta marwalba laga qaado iskuulada oo ag hesta
“Qolabaa Calankeed” waxaa qaadey heestaan C/llahi
- Qarshe, waxana ka mid ah ereyadeeda:
- Qolabaa Calankeedu waa caynoo
- Innaga Keenu waa
- Cirkoo Kale ee
- Aan Caadn lahayn
- Ee caashaqayee
- Xidigyahay cadi
- Waad noo ciidamisee
- Carradaa kaligaa
- Adow Curadee
- Cadceedda Sideedaa
- U can Noqo ee
- Sidii Culagii
- Ciidad marisee
- Allow haku celin
Sidoo kale waxaa jira heeso kale ee uu leeyahay calanka
soomaaliyeed.
W/Q: Abdikani Ali Adan
W/Q: Abdikani Ali Adan

No comments:
Post a Comment