Magaalada Muqdishu waa magaalo martigelisay dhibaato middii ugu adkeyd ee soo marta magaalo kale oo ku taal dunida inteeda kale, Muqdisho oo mar ahayd magaalo bilic iyo nabadgelyo ammaan ku muteysatay ayaa hadda waxay hoy u noqotay dambiileyaal wejiya badan kuwaasoo intooda badan dano gaara leh islamarkaana ay ku adeegtaan kuwo cadow ku ah jiritaanka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed hadaba yey tahay in ay Muqdisho iyo guud ahaan dalka bad-baadiso?
Waxaan isleeyahay su,aashaani waa xujo hortaala ummadda Soomaaliyeed oo mid kasta ay taabaneyso waxay ila tahay waa masuuliyad la wada leeyahay hadana u baahan in loo maro nidaam sax ah si loo helo dad wada masuuliyiin ah oo ka shaqeeya danta dalka iyo dadka marka aan leeyay nidaam sax ah waxaan ula jeedaa waa in dowladu ay noqotaa mid shacabka dhibaateysan ka samata bixiso culeyska saaran, culeyskaas oo midka ugu horeeya uu yahay ammaanka.
Ammaanku waa wax noole kasta uu u baahan yahay dadkuna horumar ma sameyn karaan haddii aanu jirin ammaan, qofkasta wuxuu nolol iyo horumar ku hamin karaa markii uu ammaan haysto hadaba dowlada Soomaaliyeed ee maanta jirta iyadaa masuuliyadii shacabka haysa lagana doonayaa iney shacabkeeda ka bad-baadiso naxariislaaweyaasha aan dooneyn astaan ummaadeed iyo mid dadnimo intaba, shacabka Soomaaliyeed waan hubaa waa shacab jecel nabada laakiin waxaad moodaa iney waayeen oo ay ka rajo dhigeen maamul shaqeynaya oo si daacad ah ugu addeega ummadda, taasina waxay sii daba-dheereysay nolosha kuwa wax dila ee hadana lagu sheego kuwa aan heybtooda la garan (Unidentified)
Xal U Raadinta Dalka
runtii aad ayey u sahlan tahay in xal loo helo dhibaatada ka taagan Soomaaliya waa haddii la helo hogaan ay ka go,an tahay wax u qabashada dadkiisa, shacabkuna waxay dhiiradaan oo ay dadnimadooda muuqan kartaa markii ay helaan madax ku hagta dariiqa horumarka iyo nabada taasina waxay meesha ka saareysaa oo aan fursad ay dhibaato ku maleegaan heli doonin kuwa inta dadka dila ee hadana aan la qaban si loo ciqaabo (Unpunished)
waxa maanta ka socda dalka waa taariikh qormeysa taariikhduna ma duugowdo oo qof kasta maalin ayaa la xisaabin doonaa inkastoo ay aad u xun tahay in taariikhdaadu ay noqoto mid ay ka buuxdo dhiig iyo dhibaato aad u geysatay dad masaakiin ah oo iyagoo si nabad ah ku sheekeysana oo ku shaahaya aad dishay ama dhaawacday.
Waa xaqiiqo in hooyada maanta wiilkeedii la dilay ee murugadu u soo hoyatay ay u baahan tahay sharci iyo kala dambeyn si cadaalada loo hor keeno dambiileyaashii nolosha dhaafiyey wiilkeeda oo laga yaabee inuu ahaa wiilka keliya ee qoyska, hooyadaas waxaa culeyska saaran ee murugda leh deyn lahaa markii ay maqasho gacanta ayaa lagu hayaa kuwii dilay wiilkaaga taasoo u noqon karta ugu yaraan nafis (Relief)
waxaa is waayey saaxiibo badan oo iyagoo goob keliya si farxad leh u wada fadhiya isugu dambeysay kuwaasoo aan marnaba ku hamineyn in la beegsan doono maadaama ay yihiin dad aan dambi lahayn (Innocent)
dad badan ayaa la dilay iyagoo aan loo hayn sabab ay ku muteysteen in la dilo kuwa kalena waxaa loo dilay waxaad ka hadasheen fal dambiyeed dhacay waxaana dhammaan dadkaani xukumay maxkamad aan la ogeyn cida maamusha balse waxaa jira dad mararka qaar sheegta masuuliyada dadkaas aan waxba galabsan ee sida sharcidarada ah loo dilay.
Beegsiga shaqsiyaadka dowlada u shaqeeya, hay’adaha samafalka, dadka u dhaq-dhaqaaqa nabada iyo saxaafada waxay ahaayeen kuwa maqalka dhagaha shacabka soomaaliyeed ku badan oo aan aad loola yaabin laakiin hadda waxaa ku soo biiray bulshada ku Shaahda Maqaayadaha laakiin isweydiintu waxay tahay ma dadkii hore ee aan kor ku soo sheegney baa ammaankoodii adkeeyey oo wey adkaatay in si fudud lagu dilo? jawaabta waa mid weli aan la helin laakiin adigu ma “istiri maqaayad ha fariisa” waxaan dhihi lahaa jawaabtu waa haa mar haddii meeshu ay tahay goob ganacsi qatarna ay soo food saartay islamarkaana aysan jirin cid ammaankaaga xil iska saareysa waa inad adigu go,aan qaadataa oo aad ka fogaato maqaayad fariisiga maadaama la beegsanayo oo ay noqotay qorshe cusub oo qatartiisa leh.
W/Q: Ustaad Bahiir Ahmed
No comments:
Post a Comment